Waa sidee xaalada caafimaad ee Guddoomiye Yariisow ?

Xaalada caafimaad ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Banaadir Eng. C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa ka soo reyneysa, iyadoo dhaqaatiirta ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in isaga iyo dhaawacyada kale ay soo bogsanayaan marba marka ka dambeysa.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xuukumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid ah Guddiga Heer Qaran ee loo xilsaaray la socoshada Xaaladda dhaawacyada islamarkaana ku sugan Cisbitaalka lagu daweynayo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa caawa iyadoo la hadleysay Radio Muqdisho waxay ay sheegtay in ay aad uga soo reyneyso xaaladda caafimaadka Duqa Magaalada Muqdisho.

“Xaaladda Caafimaadka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Bukaanadii kale ee lasoo qaaday wey kasoo reyneysaa maalinba maalinta ka dambeysa, Qaarkood waa laga soo badalay Sariirihii lagu daweynayay, insha Alllaah waxaan maalmaha soosocdo rajeyneynaa in xaaladdiisu ay sidii caadiga aheyd ku soo laabat” ayay tiri Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Dhanka kale, Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Qadar C/risaaq Faarax Cali Taano oo faahfaahin dheeraad ah sii bixiyay ayaa sheegay in Qeybta Xaaladda Dagdagga ah laga saaray 6 kamid ah bukaanadii la qaaday, haddana Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Maxamed Cabdi Maxamuud Gaboose ay ku harsan yihiin Qeybta Xaalaadda Degdegga ah.

“Laba Firir oo Caloosha kaga jiray Duqa magaalada in laga saaro waa lagu guuleystay, go’aan weli lagama gaarin in laga soo saaro firiro kale oo madaxa uga yaallo, dhaqaatiir fiican oo ku filan ayaa joogta, sidoo kale Xaaska guddoomiyaha iyo Caruurtiisa cisbtiaalka la jooga, maalmaha nasoo aadan waxaan jeclahay in loo soo wareejiyo qeybaha kale ee lagu daweeyo dadka caadiga ah” ayuu yiri Safiirka.

Safiirka oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in Guddoomiyaha Dagmada Warta Nabadda oo ka mid aheyd dadka dhaawacyadoodu cuslaayeen loo sameynayo Waji Qurxin, maadaama Meelaha dhaawacyada Cuslus ay kasoo gaareen ay kala ahaayeen Wajira iyo Muruqa Lugta, Xaalkeeduna uu aad u wacanyahay.