Video:-Deni oo ku dhawaaqay dhismaha garoomada kubada cagta Puntland

Madaxweyne Deni ayaa galabta ka qeybgalay Ciyaar Kubadda Cagta ah oo lagu soo dhoweeynayo 1August maalintii la’asaasay Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu dhaggax dhigay dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Mire Awaare Garoowe, kaasoo laga dhigi doono Garoon cagaaran oo heer caalami ah.

Sidoo kale Madaxweyne Deni waxuu ku dhawaaqay in labada garoon ee Magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkayo iyagana la bilaabayo,kuwaasoo qayb ka ah wajiga koowaad ee dib u dhiska garoomada Kubada cagta ee Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka