VIDEO: U diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee Xuska 1-da August ee Puntland

Waxaa si weyn looga dareemayaa Guud ahaan Degaanada Puntland, u diyaar-garowga Xuska 1-da August oo ah markii dhidibada loo taagay Dowladda Puntland, kuna began maalinimada berrito ah.

Dhamaan Degaanada Puntland ayaa lagu qaban doonaan Munaasabado lagu weynaynayo 21 sanno guurada kasoo wareegtay dhismihii Puntland, Iyadoona Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ay ka dhici doonto Munaasabad balaaran oo ay ka qeyb-galayaan Madaxda sare ee Dowladda Puntland iyo Wafuud ka kala soco Gayiga Soomaalida iyo Caalamka.

Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland
Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar