Wasiir Oomaar “Safarkii aan kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday”

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa dhawaan waxaa uu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa Magalada Kismaayo si uu ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa Madaxweynaha Jubbaland, hayeeshee uu safarkaasi ka baaqday.

Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook waxaa uu ku sheegay sababta uu safarkaasi uga baaqday in uu ka fogaanayay in uu dhaco iska horimaad, hayeeshee aysan jirin cid ka hor-istaagtay waa sida uu hadalka u dhigay.

“Safarkii aan kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska horimaad u dhaco. Qof isku dayay inuu isoo qaado ma jiro. In kastoo aan xaq u leeyahay in la i ilaasho haddana kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin (ilaah ka sokow)” ayuu yiri wasiir Oomaar

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in isaga uusan weyn awood uu ku tago Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland balse uu ku baajiyay mas’uuliyad saran aawgeed.

“Hooyadii canuggeda lala qabsaday ee la yiri aan idiin kala goyno waxey tiri ha loo daayo tii aanan dhalin iyadoo ka baqaysa in canugeeda la kala gooyo. Taas un baan isku mid nahay ee awood aan Jubbaland ku imaado ma weyn. Waan aqaan masuuliyadda i saaran ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Oomaar”.

Todobaad ka hor ayaa Maamulka Jubbaland waxaa uu sheegay in uu hakiyay xiriirka dowladda Federaalka sidoo kale uu joojiyay inay deegaannada Jubbaland tagaan mas’uuliyiin xilka haaya dowladda Federaalka Soomaaliya.