VIDEO: Khudbadii Madaxweyne Deni ee Xuska 1-da August (Akhriso)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Dowladda Federaalka
Guddoomiye K/X Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland,
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland
Golayaasha kale ee Dowladda heer Federaal iyo heer Puntland
Madaxweynayaashii iyo Madaxweyneku ku-xigeenadii hore ee Puntland,
Sarakiisha Ciidamada Qalabka Sida,
Xubnaha beesha caalamka iyo safaaradaha
Siyaasiyiinta iyo waxgaradka,
Isimadda, cuqaasha iyo culimada
Haweenka, dhallinyarada, saxaafadda iyo qaybaha bulshada rayidka ah.

Mudanayaal iyo Murwooyin,

Waxaan idin ku salaamayaa dhammaantiin salaanta Islaamka, ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAAKAATU.

Marka ugu horaysa waxaan ka tacsiyaynayaa geerida walaalkeen Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisaw oo ku geeriyoodey dalka qadar, waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo Samir iyo imaanna Alle kasiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxaan si gaar ah u ahayn saxiib dhow wakhti dheer. Si gaar ah waxaan ugu tacsiyaynayaa caruurtii iyo xaaskiisii.

Waxaa sharaf noo ah dhammaanteen ineynu u dabaal degayno sannad
guuradii 21aad ee ka soo wareegtey aasaaskii Dowladda Puntland.
Waxaan ALLE uga mahadnaqaynaa Guulihii iyo waxqabadyadii faraha
badnaa ee halkaan caawa looga sheekeeyey oo ay ugu horreeyaan
dhismaha hanaanka dowladnimo, adkeynta amniga iyo taabba-gelinta
horumarka dhaqaalaha, siyaasada iyo adeega bulshada. Waxaan
bogaadinayaa iskutashiga reer Puntland horumarkaas ku gaareen
waxaana ugu baaqayaa shacabka reer Puntland in ay sii wadaan
halgankaas si loo gaaro hadafyadii loo aasaasay Puntlnad oo ay ka mid
tahay yagleelidda Dowlad dhexe oo Federaal ah, kuna dhisan maamul
wanaag iyo sarraynta sharciga.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa aasaasayaashii Puntlnad; isimo,
siyaasiyiin, waxgarad, haween, dhalinyaro, ganacsato iyo qurbojoog ba
intooda nool waxaan u rajayanyaa cimri dheer iyo cibaado suuban,
intoodii dhimatayna janno iyo naxariis ALLE.
Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Guddiga qabanqaabada xuska
sannadguurada 21aad oo runtii hawl adag qabtay, dhammaan shacabkii,
ciidankii iyo shaqaalihii kala duwanaa oo ay ka mid ahaayeen
fardooleyda, ubaxa Punland, haweenka, xaafadaha, walaalaha Puntlnad,
ardayda, dhalinyarada, shaqaalaha caafimaadka, beeraha, kalluumaysiga, shirkadaha korontada, dabdamiska, ciidamada, taraafikada, asluubta, booliiska, difaaca xeebaha, ciidamada difaaca Puntland qaybahoda kala duwan sida daraawiishta, cigaaleyda, kumaandoosta iyo gaadiidka gaashaaman dowrkii waynaa ee ay kaga qayb qaateen damaashaadkii saaka kasoo bilowda bartamaha Magaaladda Garoowe, dhamaan dadweynaha reer Putnland ee ku
damaashaadaya gudaha iyo daafaha dunidaba, iyo dhamaan walaalaha
meelaha fogfog dalka guduhiisa iyo dibaddiisaba inoo ka yimid si ay
xuskaan inoo kala qayb galaan. Waxaan si gooni ah ugu mahadcelinayaa
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiye K/X aqalka sare iyo
wafdiyadii la socday.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Maanta waa maalin wayn, waa maalintii la aasaasay dawladdii ugu
horeeysay ee xubin ka noqota dowladda federaalka ah, waa maalintii la
ansixiyay dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya looga saaray
kumeelgaarnimada, hadaba waxaan madaxda soomaaliyeed
heerarkooda kala duwan usoo jeedinayaa codsi ah in maalinta 1da
Agoosto loo aqoonsado maalinta federaalka.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Haddii aan dib u milicsano geedi socodka dowladnimo ee Puntland
waxay inoo sawireysaa taariikh horumar iyo taariikh dowladnimo la
taaban karo. Tusaale ahaan 1998kii Puntland waxaa ka jirey 28 Iskuul
oo lagu kala dhigo dhowr iyo toban manaahij oo kala duduwan. Maanta
waxaa Puntland ka jira illaa 1,000 school oo dhammaantood ku
shaqeeya hal Manhaj oo midaysan.

Ardeyda ka qallin jebisa dugsiyada sare waxaa u diyaarsan oo ay kala
doordoortaan 13 Jaamacadood oo dhamaantood la aasaasey 20-kii
sanno ee la soo dhaafey. Waxaa sidoo kale Puntland ku soo kordhey 23
cisbitaal iyo dhowr-kun oo xarumo caafimaad oo loogu adeego bulshada
oo dhan. Waxyaalaha la taaban karo oo adeegyadaas ka dhashey waa
arin aad u farxad gelineysa dadka Soomaaliyeed oo dhan. 3% oo keliya
ayaa laga tallaali jirey cuduradda dilaaga ah caruurta ku dhalata
Puntland 1998-dii. Waa Ilaahay mahadiis ah in maanta la tallaalo 87%
caruurta ku dhalata Puntland waxaana idiin ballanqaadayaa in aanan ka
seexan doonin kor uqaadista horumarka Puntland oo ay Dowladeydu
nasiib u yeelatay in 21 Sano kabacdi aan hoggaanka u qabano
Puntlandta Maanta, una gaarsiino Puntlandta aan dhammaanteed wada
higsanayno.

Walaalayaal, waxaana guulahaas aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo
badan ku gaarney wadajirka, iskutashiga iyo wadashaqaynta dowladda
iyo shacabka reer Puntland.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Dowladda Puntland ee aan hoogaanka u hayaa waxay leedahay yoolal
waaweyn oo ay tahay ineynu gaarno 4ta sano iyo dhowrka bilood ee soo
socota haddii Allaah idmo. Yool ka ugu wayn oo mudnaanta koowaad
aan siinay waa sugidda amniga iyo tayaynta xoog ciidan oo ay leedahay
dowladda Puntland kuna filan sugidda amniga gudaha Puntland oo ay
ugu horreyso ciribtirka Argagixisada, iyo ilaalinta xuduudaha bad iyo
berriba. Waxaa diyaarsan oo tababaradii u dhamaadeen illaa 1,500 oo
boolis ah, waxaa dhamaystirmay dayactirkii xeryaha daraawiishta
iyadoo ay dardar ku socoto kala huf ka ciidamada iyo sare u qaadista
aqoontooda, agabkooda iyo daryeelkooda.

Waxaa ka mid ah yoolasha aan higsanayno kobcinta dhaqaalaha gaar
ahaan dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo muddadii
yarayd ee an joognay shaqooyin fiican nooga qabsoomeen annaga oo
qorshaynayna in waqti dhow ay bilaabaan mashaariic waawayn oo
iskugu jira dhisme iyo dayactir waddooyin halbowle ah, ballaarintii

Dekedda Boosaaso, dhismaha dekedda Garacad, Marsooyin laga
hirgaliyo magaalooyinka xeebaha ah, dhismaha Airport ka Gaalkacyo iyo
mashaariic kale oo halbowle u ah koboca dhaqaalaha Puntlnad.
Waxay dowladdu xoogga saaraysaa sidii ay u horumarin lahayd
ganacsiga iyo maalgashiga gudaha iyo dibada. Waxaan umadda
Soomaaliyeed iyo caalamkaba ugu bishaareynayaa in ay Puntland u
furan tahay maalgashi iyo kala faa’iideysiga. Iyadoo taa la taabagelinayo
ayaanu qabanaynaa shirweynaha maalgashiga Puntland oo
dhici doona bartama Bisha Sibtembar ee foodda inagu soo haysa.
Mudanayaal iyo Murwooyin;

Waxaa kale oo ka mid ah Yoolasha aan taabbagelinayno adkayntla
midnimada iyo wadajirka dadka reer Puntland. Puntland waxaa
aasaastay shacabka walaalaha ah ee goboladii 5 ahaa iyo degmaada
Buuhoodle, maanta 21 sano ka dib waxay noqdeen 9 gobol oo
dhamaantood uu ka hanaqaaday hannaanka dawladnimu uuna gaaray
adeegyada kala duwan ee bulshada. Waa xaqiiq in gaabis iyo
isudheelitirnan la’aan dhinaca horumarinta ah ay jirtaan sabab kasta
hakeentee, dawladda aan madaxda ka ahay waxaan ballanqaadnay kuna
shaqo bilownay inaan caddaalad iyo sinnaan ugu adeegno dhamaan

bulshada reer Puntland gobol iyo degmo kasta ha joogeene. Si gooni ah
waxaan xoogga saarnaynaa in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay helaan
difaac, daryeel iyo horumar dhaqaale iyo arrimaha bulshada. Waxaan
hirgalindoonaa hindise hormarineed oo ku aaddan Gobolada Sool,
Sanaag iyo Cayn si bulshada goboladaasi u helaan horumarka ay
mudanyihiin. Waxaan sidoo kale caawa halkaan idiin ka sheegayaa in
Magaaladda taariikhiga ah ee Taleex iyo Caasimadda Puntlnad aan
sannadkaan inta uusan dhamaan la daahfuridoono dhismaha waddo
isku xirta labadaas magaalo, iyadoo dhinaca kalana la daahfuridoono
waddo kale oo isku xiridoonta degmada Boocame iyo laamiga Garowe-
Laascaanood.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

21 dii sano ee ay Puntland jirtay waxa qorshuhu ahaa bulshaduna ku
taameysay in laga gudbo hannaanka doorasho ee qabaliga ah oo looga
gudbo hannaan doorasho oo dimuquraadi ah oo muwaadin kasta oo
Puntlandi ah dhiibto codkiisa si uu u doorto mas’uulka matalaya iyo
madaxda heerarka kala duwan ee maamulka. Inkastoo dadaal farabadan
lagu bixiyey arrinkaas hadana maysan suurto gelin. Si aan korna ugu
qaadno hammiga iyo hiigsiga dadka reer Puntland, Waxaan gaarsiin

doonaa dadkayaga in ay wakiiladooda golayaasha degaanka iyo
baarlamaanka ku soo doortaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ah qof iyo
cod. Taasi waxay xoojinaysaa dowladnimadeena iyo kalsoonida ka
dhexaysa shacabka, wakiiladooda iyo madaxda sare ee dowladda.
Waxaan idiinku bishaareynayaa in si dhaqso ah aan kusoo dhisidoono
Guddiga doorashooyinka Puntlnad. Waxaa naga go’an in Puntlnad aan
gaarsiino hannaan doorasho oo qof iyo cod ah, taas oo kor u qaadaysa
dadku inay helaan matalaad ay iyagu doorteen, waxaanna hubaa in dad
badan oo ay ku jiraan dhalinyarada, haweenka iyo cid kasta oo ku
dulman nidaamka qabaliga ah ay helidoonaan fursado lagu doorto.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Waxaa mandaqada Puntland ka soo jeeda geesiyaal badan oo u soo
halgamay naftoodana u huray u dagaalanka xorriyadda, dhismaha
qaranka iyo adkaynta midnimada Soomaaliyeed. Taasi waxay ka
turjumaysaa hadafyadii loo asaasay Puntland oo ay ka mid ahayd
ilaalinta wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Welina
taas ayey Puntland u taagan tahay.

Nasiib darro, dagaaladii sokeeye ee sagaashanaadkii waxay keeneen in
la kala irdhoobo lana kala aamin baxo iyadoo dalkuuu ahaa hal magaalo9
ka-noool, markii ay duntayna dalkii oo dhan baa dumay, dhaqaalahiisii,
kaabayaashiisii iyo dowladnimadiisiiba Hadaba si taas xal loogu helo
waxaa mar kale la baadigoobay dowladnimadii Soomaaliyeed iyadoo
Puntland ay hormuud u ahayd hoggaan iyo shacabba. Waxaa xal loo
arkay in markaan lagu dhiso nidaamka Federaalka ah, maadaama lagu
guuldaraystay nidaamkii urursanaa. Maanta waxaa inoo dhisan
Caasimasdeenii Muqdisho oo kasoo kabanaysa lana soo laabanaysa
bilicdeedii si kasta oo nabad diidku u wiiqaan, Ceerigaabo, Boosaaso,
Laascaanood, Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusamareeb, Beletweyn, Jowhar,
Baydhabo, Marka, Baraawe, Kismaayo, Baran, Garbahaaray, Hargeisa,
Borame iyo kuwo kale oo badan. Sidaasi awgeed waa in aynu fursad iyo
dadaalba gelinaa sidii si hufan loogu hirgelin lahaa loona horumarin
lahaa nidaamka federaalka aynu isku afgaranay.

Mudanayaal iyo marwooyin,

Waxaan diyaar u nahay in aan qaadano doorkii hormuudnimo ee
bulshada ku dhaqan Puntland ka qaateen helitaanka xoriyadda iyo
midnimada umadda Soomaaliyeed. Waxaan marwalba diyaar u nahay in
aan kaalin mug leh ka noqono dib u dhiska dowladnimada

Soomaaliyeed, taas oo ku dhisan nidaamka Federaalka ah, sarraynta
sharciga, daahfurnaan iyo isla xisaabtan.

Maanta waxaa dheelinaya geedi socodkii dhismaha nabada iyo
dawladnimada Soomaaliya, waxaana jirta tabashooyin isasoo tarayay oo
ah in la baalmaray hannaankii gindhigga u ahaa geedi socodkaas oo ay
ka mid yihiin federaalka, ilaalinta sarraynta sharciga, qaybsiga
dhaqaalaha magaca Soomaaliya laguhelo, awood qaybsiga siyaaaadeed
iyo hannaanka dimoqoraadiga ah.

Ummadda Soomaaliyeed kuma filna hal ku dhigyo aan waxba wehelinin
iyo carqaladayn maamuladda ka dhisan gobolada dalka. Dalkani wuxuu
u bahaan yahay in dadkiisa la heshiisiiyo, kalsoonida iyo is aaminaadda
dadkiisa kor loo qaado, siyaasadiisana lagu wado wadatashi,
walaalnimo iyo isku tanaasul, iyo sidoo kale xoojinta hay’adaha
dowladeed heerkooda kala duwan. Dadka Puntlnad dawladnimadii
soomaaliyeed ee ay dhiig iyo dheecanba galiyeen ma aqbali karaan in
dhibi gaarto.

Mudanyaal iyo marwooyin,

Dhinace kale, waxaan walaalaha Soomaaliyeed meel walba oo ay
joogaan iyo fikir walba oo ay qabaanba u xaqiijinaynaa in aanaan marna
bedelayn ama yaraynayn, jacaylkii iyo rabitaankii aanu u hayney
ummadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed .

Waa marag ma doonto ah in maanta siyaasadda cakiran iyo
mudnaansiin la’aanta aarimihii muhiimka ahaa ay dalka u horseedey
nabadgelyo xumo ka jirta goobo badan oo dalka ah. Waxaa kordhay
falalkii argagixo ee lagu beegsanayo shacabka iyadoo dowladuna kaga
jawaabtay waddo xiris taas oo culays badan kusii noqotay shacabkii
dhibannaa xal amnina aan keenin. Dhacdooyinkaas xanuunka badan
waxaa ugu damaysay qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee
Muqdisho oo dad badan oo masuuliyiin ah lagu laayay kuwana ku
dhaawacmeen, waxaan naxariis ALLE u waydiinaynaa intii dhimatay,
waxaana utacsiyeynaynaa ehelkood, caafimaad buuxa ayaana u
rajaynaynaa dadkii ku dhaawacmay.

Mudanyaal iyo marwooyin,

Waxaan ugu baaqaynaa madaxda dowladda federaalka ah ee
Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan arrimaha masiiriga ah sida
dhamaystirka dastuurka oo waqti aad u dheer qaatay, amniga iyo
dhismaha cudud ciidan oo astaan qaran soomaaliyeed leh, hagaajinta
wadashaqaynta ay la leeyihiin dawladaha xubnaha ka ah dawladda
federaalka, wadashaqayntaas oo ku dhisan sharci, is-ixtiraam, faragelin
la’aan iyo wadatashi. Waxaan ugu baaqayaa inay ka daayaan faragelinta
arrimaha doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland.

Dhismaha Maamulada dalka waxaa laga soo maray dadaalo aad u dheer waxaana galay maskax iyo muruq badan, maanta uma baahna wiiqis iyo faragelin huwan Olole siyaasadeed ee waxay u baahanyihiin in laga taageero
baahidooda wixii ay ku filanyihiina lagu xurmeeyo.

Waxaan leeyahay haloo daayo dadka reer Jubbaland iyo Galmudug inay iyagu
go’aansadaan cidda talada ay u dhiibanayaan.

Mudanayaal: Gudoomiye iyo guddoomiye ku-igeen (Dowladda
Federaalka),

Waxaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ay labada aqal ee baarlamaanka
federaalka ah ka sugayaan dhameytirka iyo ilaalinta dastuurkii lagu
heshiiyey. Dhammaanteen waajib ayaa inaga saarran ilaalinta
sharciyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Diyaar ayaan u
nahay in aan idin kaala shaqeyno dhameystirka dastuurka iyo sidii loo
heli lahaa hannaan hufan oo ay ku dhici karto doorasho xalaal ah
sanadka 2020. Dhinaca kale, Mudane Guddoomiye, waxaan kaaga
mahadcelinaynaa kuguna bogaadinaynaa mawqifka hoggaanka
baarlamaanka federaalku ka qaatay samaynta sharci doorasho oo loo
dhanyahay. Waxaan xusid mudan inaan arrintaas muddo codsanaynay,
maantase baarlamaanku qaaday go’aankii ku haboonaa. Waxaan la
wadaagidoonaa talada aan hayno guddiga aad magacawday, sida aad
sheegtayna waxay wadatashi ugu imaandoonaan maamuladda dalka ka
jira. Waa muhiim doorasho xalaal ahi ku dhacdo waqtigii loogu talo
galay.

Mudanyaal iyo marwooyin,

Waxaan ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba inaynu
ka wada shaqayno dowladnimadeena, wadajirkeena iyo midnimadeena.
Waxaan ku soo gunaandayaa hadaylkayga Soomaali waa Soomaali,
Soomaliyana Soomaali baa leh.

Soomaaliya ha noolaato
Puntland ha noolato
Soomaaliyana ha is raacdo.
Waad mahadsantihiin dhamaantiin