VIDEO: Madaxweyne Deni oo ku baaqay in 1-da August loo aqoonsado maalin Qaran

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwo Dowlad Gobaleedyada in 1-da August oo ah maalintii la aas-aasay Dowladda Puntland, loo aqoonsado maalin Qaran oo Soomaaliya ay qaadatay nidaamka Federaalka.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay xalay Munaasabad ka dhacday Madaxtooyadda Puntland oo lagu xusayay 1-da August, ayaa sheegay in maalintan ay ku asteysan tahay aas-aas Dowladda Puntland oo hormuud ah nidaamka Federaalka.