Dib u dhac ku yimid Keenista Meydka Eng. Yariisow

Dib u dhac ayaa ku yimid keenista Magaalada Muqdisho ee Meydka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Yariisow guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, iyadoo guddiga qabanqaabada aaska uu sheegay in la keenayo berri oo ah maalinimo Axad ah.

Boqolaal ruux oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa dib uga soo laabanaya, iyadoo saaka oo idil la sugayay keenista meydka.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay dib u dhaca hase yeeshee dalka Qadar ayaa ah dal ay xayiraad ku soo rogeen wadamada qaliijka qaarkood.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.