VIDEO: Kalafadhigii 44-aad ee Baarlamaanka Puntland oo soo xirmay

Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta soo gaba-gabeeyay Kulamadoodii Kalafadhigga 44-aad, kuwaas oo socday muddo bil iyo bar ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Doobo-daareed, oo ka hadlayay xiritaanka Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay galayaan Labo bilood oo fasax ah, uuna fadhiga baarlamaanka dib u furmayo bisha October.