WAR DEG DEG AH: Dowladda UK oo la wareegtay Meydka Eng. Yariisow, baaraysana

Dowladda UK ayaa la wareegay meydka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow, oo ahaa Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda UK ay ka qaadatay Magaalada Doxa ee Dalka Qatar Meydka Eng. Yariisow oo dhowaan ku geeryooday Qatar, kaddib markii loogu qaaday dhaawac kasoo gaaray Qarixii xarunta Gobalka Banaadir.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Dowladda UK ay baaritaan ku sameynayso Meydka, kaddib markii laga shakiyay dhimashada Eng. Yariisow, ayna dalbadeen carruurtiisa.

Ma jirto illaa wax war ah oo ka Soo baxay dowladda soomaaliya marka laga soo tago in guddi aaska ayaa sheegan in u dib dhacaya aaska meydka Eng. Yariisow.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.