Boosaaso: Wasiir Shire Faarax oo ka bad-baaday Qarax

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax, ayaa ka bad-baaday Qarax lagula eegtay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Qaraxan ayaa lala eegtay Gaari uu saarnaa Wasiir Shire Faarax, xilli uu marayay nawaaxiga hoteelkii hore loo oron jiray Ramaada, waxaan dhaawac uu kasoo gaaray mid kamid ah Ilaalada Wasiirka.

Ciidanka ammaanka Dowladda Puntland oo gaaray Goobta ayaa wada baaritaano la xariira Qaraxan, Iyagoona qadar daqiiqado ah xiray Wadada.

Qaraxan saaka ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland, ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii ugu dambeeyay la xoojiyay ammaanka Boosaaso.