Daawo Sawirro: Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Eng. Yariisow

Waxaa Maanta Aas Qaran Magalada Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiyihii Gobolkan Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qarixii ka dhex dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Saakay Waaberigii hore ayaa diyaarad siday waxa ay kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho, iyada oo salaadii janaasada lagula dukaday Barxad ku taalla Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho.

Khabuuraha Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee Janeraal Kaahiya Ex-Iskuul bulusiya ee Magalada Muqdisho ayaa lagu aasay,waxana ka qeyb galay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre, guddoomiye Mursal, Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Dhamaan dadkii ka qeyb galay Aaska Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay goobta ka sheegeen in wax badan uu ka qabtay Gobolkan Banaadir,isla markaana uu ahaa Shaqsi dalka u yimid inay dowladnimo hirgasho.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli soo bandhigin nooca uu ahaa iyo cida geysatay qaraxii ka dhex dhacay Xarunta Gobolka Banaadir,waxaana Shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan Go’aanada kasoo baxa Hay’adaha Amniga Soomaaliya.