Qatar oo 60 Milyan oo dollar siisay Kooxda Al-Shabaab

Dowladda Qatar ayaa gacanta ka galisay Kooxda Alshabaab sanadkan oo kaliya lacag ka badan 60-Milyan oo dolar.sida uu xaqiijiyay xubin amaan oo galgal uleh arimaha gudaha ee Somaliya.

Sidoo kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa ka heshay ganacsatada iyo ganacsigooda dhaqaale fara badan oo ay ku maalgaliso hawlgaladooda,kaasoo lagu qiyaasay in ka badan 30 -Milyan oo dolar.

Warkan danbe waxaa iyaduna xaqiijisay Wariye Falastiin Axmed Iimaan oo ka tirsan idaacada VOA qaybteeda Afka Soomaaliga.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii Jariirada New York Times shaacisay xog Talefoon ah oo laga qabtay Safiirka Qatar ee Soomaaliya iyo Nin ganacsade Qatari ah oo wada hadlaya.

Codkaas,ayuu Safiirku ku qiray in qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Puntland,gaar ahaan Bosaso iyagu ka danbeeyaan si ay uwax yeeleeyaan danaha Imaaraadka ee Gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Warkan ayaa hadii uu rumoobo waxaa uu waji gabax Ku ah Dowlada Federaalka Soomaaliya oo xiriir xoog badan la leh Dowlada Qatar kana difaacda eedaymaha loo soo jeediyo.