Shir u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada oo ka furmay Jigjiga (Sawirro)

Shirwaynihii 1-aad ee wada tashiga iyo sii xoojinta iskaashiga deegaanada soomaalida iyo oromada ayaa Maanta ka furmay caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida ee jigjiga gaar ahaan madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDS.

Shirkaas ayaa waxaa  qaybgalaya masuuliyiinta ugu saraysa labada dawlad deegaan oo ay ka mid yihin madaxwaynaha DDS  Mustafe Muxumed Cumar, madaxwaynaha deegaanka oromada  Shinmelis Abdisa, hogaaminta odayaal dhaqameedka labada deegaan oo ay ka mid yihiin odayaasha guurtida deegaanka soomalida iyo abaagadhayaasha deegaanka oromada, aqoon yahanka, waxgaradka labada deegaan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada .

Waxaana shirkaas si rasmi ah u furay Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar, isaga oo ka warbixiyay ahmiyada uu shirkani leeyahay iyo xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer, kaas oo  ka dhexeeya labada Shacab ee Soomaalida iyo Oromada.

Dhankiisa Madaxwaynaha deegaanka Oromiya Shimelisa Abdisa ayaa ka hadlay furidaan shirwaynaha wada tashiga labada deegaan, isaga oo dhankoosa sheegay inay soo dhaweeynayaan isku soo dhawaanshaha labada Shacab.

Shirkaan oo socon doona mudo laba Cisho ah ayaa looga gol leeyahay in xal buuxa looga gaaro colaada soo laab laabatay ee u dhaxeysay Soomaalida iyo Oromada.