Uganda Airline oo dulimaadyo ka bilaabaysa Muqdisho

Shirkadda diyaaradaha ee Uganda Airlines ayaa si rasmi ah u sheegtay in 28-da bishan August, ay bilaabi doonto Duullimaadkeeda Ganacsi oo ay isaga kala gooshi doonto Magaallooyinka Kampala iyo Muqdisho.

Shirkadda Uganda Airlines ayaa ku dhawaaqday Hawlgalkooda Duullimaadka maalmo kadib, markii ay Shahaadada ay ku hawli geli lahaayeen ka heleen Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee Uganada oo 3 bilood tijaabiyey Diyaaradaha ay Shirkadu ku hawl-geli doonto.

Shirkadda waxay xaqiijisay inay bishan August 28-da bilaabi doonaan Duullimaadyada Tooska ee ay ku tegi doonaan caasimadaha Somalia, Kenya, Tanzania iyo Koonfurta Suudaan.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Shirkadda Diyaaradaha ee Uganda Airlines ayaa lagu muujiyey inay 3 Duullimaad Toddobaadkiiba ku imaan doonaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Shirkaddu waxay kaloo soo bandhigtay Kharajka Tikidhka Duullimaadka ee Muqdisho iyo Kampala, ee Sii-socoshadda iyo Soo-laabashadda  (Go and back ticket), kaasi oo dhan 590 Dollar oo u dhiganta 2.1 million ee shillinka Uganda.