VIDEO: Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo xafiis ka furanaya Garoowe

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed “Dhoobo-daareed”, ayaa maanta sagootiyay Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka Saree e BJFS iyo Wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Caasimadda Dowladda Puntland, kana qeyb-galay Munaasabadda Xuska 1-da August.

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Bukhaari, ayaa uga mahad-celiyay Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda, sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen mudadii uu ku sugnaa Degaanada Puntland.

Guddoomiye Abshir Bukhaari ayaa sheegay in Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland uu ka furanayo Golaha Aqalka Sare Xafiis saldhig u noqonaya Senatorada laga soo doorto Degaanada Puntland.