VIDEO: Shir u dhexeeya Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo ka furmaya Jigjiga

Shir u dhaxeeya Maamulada Dowlad deegaanka Soomaalida iyo Oromada oo mudo sanado ah uu dagaal dhexmarayay, ayaa maanta ka furmaya Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida.

Shirkan oo looga hadli doono sidii loo dhameyn lahaa Colaada u dhaxeeysa Soomaalida iyo Oromada, ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynaha Dowlad deegaanka Oromada Shinmelis Abdisa, iyo wafti uu hoggaaminayo oo shalay soo gaaray Magaalada Jigjiga.

Shirkan ayaa si gaar ah waxaa diirada looga saarayaa sidii looga kabsan lahaa dhibaatadii dhexmartay Soomaalida iyo Oromada, cadaadis lagu haayay Soomaalida iyo in labada Shacab ee Soomaalida iyo Oromada ay noqdaan kuwa nabad ku wada noolaada oo is dhexgala.

La-taliyaha dhinaca Saxaafadda ee Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Muxumed Colaad, ayaa sheegay in shirkaan uu daba socdo shirkii Bishii Shanaad ee sanadkaan ka dhacay Magalada  lnaasileed ee Xarunta Dowlad deegaanka Oromada, isla markaana la rajeynayo in maslaxada labada Shacab laga wada Shaqeeyo.

Soomaalida iyo Oromada ayaa Colaadooda waxaa ay aheyd dhowrkii sano ee la soo dhaafay mid xoogeysatay, waxaana la dilay Boqolaal ruux oo labada dhinac ah, hayeeshee isbedelkii ka dhacay labada Maamul ee Soomaalida iyo Oromada ay bilaabeen wadahadallo xal looga gaarayo dagaaladii dhexmaray.