Kheyre oo booqday Ciidamo loo diyaariyay la-dagaalanka Al-Shabaab (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, loona diyaariyay howgal Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga suganyihiin gobolada dalka.

Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horay sidaan oo kale loo tababaray, isla markaana la wareegay deegaano ay maamulayeen Al-Shabaab.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in xaquuda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in howlgallada Al-Shabaab lagula dagaalayo ee hadda loo diyaariyay ay si joogta ah u wadaan inta dalka oo dhan laga saarayo.

Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidamadaan waxaa hogay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo Shabaab looga xoreeyay magaalooyin ay uga sugnaayeen dalka.