VIDEO: Rag katirsan Al-Shabaab oo xukun toogasho ah lagu fuliyay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa inay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Labadan dhalinyaro oo lagu kala magacaabayay Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Barrow ayaa ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana dhowaan ka soo muuqdeen muuqaal laga duubay oo ay ku qiranayeen dilal iyo weeraro ka dhacay Muqdisho.

Maxkamadda Darajada Koowaad iyo Maxkamadda sare ayaa horay ugu kala xukuntay dil toogasho ah, waxaana saaka oo Isniin ah, kuna beegan 5-ta bisha Agosto lagu fuliyay xukunkii dilka toogashada ah.