VIDEO: Wasiir Gabiley “Kuwa Muqdisho ka qeylinaya waxay diidan yihiin Hormarka Puntland”

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cisman Lugadoor Gibiley, ayaa si adag uga hadlay Koox isugu yeertay guddiga adeegga diyaaradaha Soomaaliyeed, kuwaas oo dhowaanahan bilaabay inay cabasho ka muujiyaan Diyaaradaha Heerka Caalami ee ka shaqo bilaabay Degaano kamid ah Puntland.

Wasiir Gibiley ayaa sheegay in Kooxdan isugu yeertay Guddiga Adeegga diyaaradaha Soomaaliyeed, ay yihiin Koox ka xun dulimaadyada diyaaradaha caalamiga ah ee Ethopian Airline ugu horeyso eek a bilowday Degaanada Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa tilmaamtay in aysan dhag-jalaq u siin doonin Kooxdan yar, balse ay tahay arrin lala yaabo in Kooxdan haatan soo shaac baxdo kaddib markii Puntland ay soo jiidatay in Shirkadaha Dulimaadyada Caalamiga ah.

Hadalka Wasiirka Gibiley ayaa imaanaya xilli War Saxaafadeed ay soo saareen Koox isugu yeertay guddiga adeegga diyaaradaha Soomaaliyeed ay ku muujiyeen cabasho ka dhan ah shiradda diyaaradaha Ethiopian Airlines, iyagoo ku eedeeyay inay shirkadaas ay burburineyso adeegyadii ay shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed.