VIDEO: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku riday Nin Ajnabi ah

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale u fariisatay dhagaysiga Dacwadda Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo loo haystay qalqal gelinta Amniga Garoonka Caalamiga ah Aadan Cabdulle Cismaan (Cadde).

Ninkan oo lagu magacaabo Andrew Brain Irlam, ayaa 31-kii bishii hore bilaabatay dhageysiga eedaha loo heysto, iyadoo ugu danbeyn maanta uu dhacay xukunkiisa, inkastoo qaar ka mid ah lagu waayay dambiyadii loo heystay.

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Go’aan ka gaartay kiiska, waxayna ku xukuntay Inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan $7,000, iyadoo ku waysay qodobadii lagu soo eedeeyay labo ka mid ah waxayna ku heshay qodobka 34aad ee Xeerka Nabadgelyada guud ee Qaranka.