VIDEO: Taliska CXD oo ka hadlay Howlgalada ka socda Sh/hoose

Taliska iidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray howlgal saaka Ciidamada sida gaarka u tababaran ee DANAB kula wareegeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliye kuxigeenka ciidanka xoogga dalka ahna ku-simaha Taliyaha Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay ciidanku ay si nabad ah kula weegeen degmada Awdheegle iyo deegaanna kale oo ku xeeran, ayna sii wadi doonaan howl-gallada lagu baacsanayo argagaxisada.

“Ciidanka ayaa wada Miino saaris iyo howl gallo ay ku xaqiijinayaan
amniga”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka.