VIDEO: Turkish Airline iyo Fly Dubia oo dulimaadyo caalami ah ka bilaabaya Garoomada Puntland

Shirkadaha Diyaaradaha ee Turkish Airline, Fly Dubai iyo Al-carabiya, ayaa la filayaa inay dhowaan duulimaadyo caalami ah ka bilaabaan Degaanada Puntland, sida uu shaaciyay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cisman Lugadoor Gibiley.

Wasiir Gibiley oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay dadaal xoogan ugu jirto in Dulimaadyo heer caalami ah ay ka bilowdaan Degaanadeed, taas oo ay guulo muuqda ay ka gaartay.

Waxaa uu sheegay in dulimaadyada ay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ay ka bilowday diyaarada Ethopian Airline ay dhabaha u xaartay Shirkaddo caalami ah ay u soo tartamaan Garoomada Diyaaradaha Puntland, kuwaas oo daneynaya inay dulimaadyo u kala sameeyaan Soomaaliya iyo Caalamka.