VIDEO: Deni oo weerar afka ku qaaday Madaxda DF, kuna tilmaamay dad aan khibrad laheyn

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad aan laheyn Khibrad Siyaasadeed iyo mid Maamul.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Hoggaamiyaasha Dalka ay yihiin Jiil aan waxba ka aqoon Siyaasadda iyo Maamulka uu u baahan yahay Dal soo kabanaya, balse ay yihiin dhalinyaro khibradoodu ku eg-tahay lasoo shaqeynta Hay’addo ajnabi ah.

“Dhalinyarada jiilka danbe ee siyaasada khibradooda ugu weyn waa inay lasoo shaqeeyeen Hay’adaha Samafalka, Hay’ad baad lasoo shaqaynaysaa wixii ay ku shaqayn jirtey baad rabtaa inaad dalka ku maamusho macquul maaha taasi.” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland