ONLF oo sheegtay inay wali ka tanaasulin Halgankii Soomaali galbeed

Jabhadda ONLF ee xoreynta Soomaali galbeed, ayaa shaaca ka qaaday in wali uusan waxba iska badalin qorsihii ay markii horeba u dagaalamayeen, inkatoo ay heshiis guud oo nabadeed ay la saxiixdeen dowladda Itoobiya.

Guddoomiyaha Jabhadda ONLF Adm. Maxamed  Cumar Cusmaan, ayaa sheegay in dhulka dowlad deegaanka Soomaalida uu yahay deegaan Soomaali leedahay, balse ay  gacanta ku heyso Dowladda Itoobiya, sidoo kalena uu u baahan yahay in la  xorreeyo.

Mar uu la hadlayaya BBC-da ayuu sheegay in ONLF aysan weli ka tanaasulin ama ka laaban halgankii ay ku jireen ee ahaa in ay xoreeyaan dowlad deegaanka Soomaalida, hasse ahaatee kaliya ay wax ku raadinayaan xilligaan wacyigelin iyo inay Bulshada caadiga ah halganka ka qeyb qaataan.

”Dhulka Ogaadeeniya waxaa uu hadda ka tirsan yahay dowladda Itoobiya, waxaanan leenahay dhulkaasi Itoobiya kama tirsana, Annaga qorshahii aan markii horeba u dagaalameynay kaa ayuu ahaa, walina qorshaheenii waxba kama badalin ee la xiriiray halganka” ayuu yiri Admiralka.

Hadalka Guddoomiyaha Jabhada ONLF ayaa ku soo aadaya xilli jabhadaas  ay heshiis la gashay Dowladda Itoobiya,isla markaana Ciidamadoodii ay  qarkood ku biireen Ciidamada Dowlad deegaanka halka qaarkood ay Shacabka  ka mid noqdeen.