VIDEO: Deni oo ka digay in DF Soomaaliya ay soo qaadato Lacag deyn ah oo..

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay nidaamka Dowladda Federaalku ay u mareyso deyn cafinta Soomaaliya, isagoona ku baaqay in inta aan loo dhaqaaqin soo qaadashada deynta kale laga heshiiyo qorshaha iyo waxa lagu qabanayo.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in doodaha ugu badan ee ay la galaan Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Beesha Caalamka, ay tahay in inta aan deyn lasoo qaadin laga heshiiyo waxa lacagta lagu qabanayo, maadama lagu soo qaadayo Magaca Soomaaliya.

“Markaan ka hadlayno dowladda dhexe doodaha ugu weyn ee aan hay’addaha iyo beesha caalamka aan lagalnay waxaa kamid ah intaan danyta la cafin, intaan dalka loofurin albaabadiisa inuu soo qaato lacag marlabaad ku suntanaan doonta Soomaaliya, waa in laga heshiiyaa dhaqaalaha dalka soo gala oo aan ahayn midka si gaar ah loo siiyo, laakiin mid magaca Soomaaliyeed lagu soo qaatay oo ku noqonaaya daymihii hore ama deeq lasiiyey haddaan la ogeyn awoodaha lagu qaybinaayo” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni