Beelweynta Bahdir oo go’aamo kasoo saartay shirkoodii

Beesha Bah-dirooble ee Beelwaynta Cismaan Maxamuud ayaa Deegaanka Gari-Hel ee Degmada Qardho ku qabtay shir socday mudo dhan 4 cisho 1-4 Bisha August, shirkaan ayay beeshu uga tashanaysay aayahooda dhaw iyo midka Fog, waxaana ka qaybgalay Odayaal dhaqameed, Siyaasiyiin, Culimo, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween, Qurba-joog, Xildhibaan Faarax Khaliif Cilmi.

Shirkaan ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 5 qodob oo kala ah:-


1: Ku dhaqanka shareecada islaamka meelkasto ay joogto iyo deeegaan kasta oo ay degan tahay beeshu, laguna saleeyo waxkasta oo beesha dhexdeeda ah iyo dadka ay ood wadaaga yihiin ku dhaqanka shareecada islaamka.


2: in la xoojiyo midnimada beesha meelkasta oo ay joogto wadanka gudahiisiiyo dibadiisa.


3: in deegaanada beeshu ay degantahay dadka la degan iyo deriskaba ay kula noolaato si nabadgelyo ah.


4: Beeshu waxay isku raacday in la dhiso gudiyada hoos ku qoran
A} Gudiga dhawrista iyo ilaalinta deegaanada beesha sida { Xaalufka iyo Askaynta nabadgelyada deegaanada beesha}
B} Gudiga dhaqaalaha gudigaas oo ka kooban gudiga dhaqaalaha gudaha iyo dibada.


5: Waxay beeshu goaansatay adkaynta iyo xoojinta midnimada beesha Cismaan Maxamuud iyo beelaha degan deegaanada Puntland.
Goaamadaan waxay dhaqan galayaan markii ay saxiixaan cuqaasha beesha, wayna saxiixeen.