DF Soomaaliya oo Warbixin kasoo saartay Baaritaankii Qarixii G/Benaadir (Akhriso)

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir 24 kii Bishaan lasoo dhaafay, islamarkaana uu ku geeriyooday Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa ku saabsanaa natiijadda baaritaanadii ay waddeen maalmihii ugu dambeeyay.
​​​​​​​​

WAR SAXAAFADEED:

Wasaaradda Amniga Gudaha oo tixraacaayso warbixin baariseed hor dhac ah oo ay sameeyeen hay’adaha Amniga ee DFS kuna saabsan qaraxii ka dhacay Xaruunta Dowladda Hoose ee Xamar 24/07/2019, waxay Wasaaradda Amnigu la wadaagaysaa Bulshada Soomaaliyeed sida soo socota:-

• Ugu horayn, Dowladda Soomaliyeed waxay tacsi u diraysa intii ku dhimatay, sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajaynaysa intii ku dhaawacantay falki foosha xumaa ee ka dhacday Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar.

• Dowladda Soomaliya ayaa cadaynaysa falkaasi in uu ahaa dhibato loogeestay Shacabka Soomaliyeed.

• Baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen Hay’adaha Amniga ayaa lagu ogaaday in ay is qarxisay ruux nafteed haligto ah oo Dumar ah; kana shaqaynaysay Dowlada Hoose ee Xamar, ayadoo kaalmo ka heleysay ruux kale oo Dumar ah oo ku qornaa kaaliye, shaqaalana ka ahayd Xaruunta Dowladda Hoose.

• Labada gabdhood ayaa baaritaanku cadeeyey in aan la dhameystirin hubintii loo baahnaay markii la shaqaaleysiinaayay.

• Sida lagu ogaaday baaritaanka, labada gabdhood ayaa fasaxyo isku dhow oo Bil gudeheeda ah wada qaatay, iyadoo xogta qaar ay tilmaamtay in ay tageen goobo ay maamulaan Argagixisada.

• Nafteed haligtaha ayaa si qaldan ugu tagri fashay caadifaddii ay u hayeen madaxda iyo dadka ay la shaqeynaysay, maadaama ay ka mid aheyd dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Uga dambeen, waxaan Bulshada Soomaliyeed la wadaagaynaa mar labaad in falkaas Argagixiso ee ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose loo soo qab qabtay dad lagu tuhunsanyahay in ay ku lug yeelan karaan falkaas, lana hor gaynayo Hay’adaha Garsoorka ee ku shaqada leh.

—-DHAMMAAD—-