Akhriso: Xil. Mahad Salad oo 9 su’aalood ka keenay warbixintii Wasaaradda amniga

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa 9 su,aalood ka keenay jawaabtii Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ay kasoo saartay weerarkii lagu qaaday xarunta maamulka Gobalka Banaadir, kaas oo lagu dilay Guddoomiyhii Gobalka Eng. Yariisow iyo Masuuliyiin kale.

Hoos Ka Akhriso Warbixin uu Bartiisa Facebook kusoo qoray Xildhibaan Mahad Salaad.

Wasaarada Amniga shalay waxay soo saartay warbixin aan wax nuxur ah lahayn, dhammaystirnayn, kana jawaabayn su’aalo aad muhiim u ah; sida:

1: Qofka meesha isku qarxiyay oo aan la shaacin magaciisa, shaqada uu hayay, sida uu uga soo gudbay goobaha baarista isagoo sita walxaha qarxa ee sidaas u weyn iyo sida uu ku soo galay goobta shirka?

2:  Qofka warbixintu sheegtay inuu is qarxiyay, sidee uga mid noqday madaxda gobolka, muddada uu ka shaqaynayay, habka uu shaqada ku soo galay, cidda shaqaalaysiisay iyo habraaca loo maray shaqaalaysiintiisa?

3:  Yaa mas’uul ka ahaa baarista albaabada, maxaa tallaabo ah oo laga qaaday saraakiishii gaboodfalkaas amni sameeyay, immisa qof ayaana loo xiray dhacdadaan naxdinta leh?

4:  Maxaa loo damiyay kaamarada ku xirneed hoolka shirarka ee qaraxu ka dhacay kahor intii uusan qaraxu dhicin?

5:  Saraakiishii yimid goobta qaraxu ka dhacay maxay ula baxeen xog-kaydiyaalkii Kaamarooyinka ku xirnaa xarunta gobolka (Camera Memory), iyadoo ay joogto hay’adii ku shaqada lahayd ee Dambi Baarista (CID)?

6:  Saraakiishii ku fashilmay ilaalinta amniga xarunta gobolka Banaadir sidee loogu aaminay in ay qayb ka noqdaan gudigii baaritaanada sameynayay?

7:  Ma dhici kartaa inay jiraan shaqaale ama madax kale oo iyagana ka tirsan argagixisada oo wali ka shaqeeya xarunta gobolka Banaadir diyaarna u ah fulinta falal kuwaan oo kale ah amaba ka sii foolxun?

8:  Haddii xaruntii gobolka Banaadir ee amnigeedu aadka u adkaa sidaan loo beegsaday, ma dhici kartaa in xarumaha kale ee dowladda in iyaguna ay dayacan yihiin sida: Madaxtooyada, Golaha Wasiirada, Goleyaasha Barlamaanka iyo Garoonka diyaaradaha?

9:  Haddii warbxinta aanay dhammaystirnayn, laba todobaad kadib, goorma ayeey soo dhammaystirmaysaa?