Ciidanka Ahlu-sunna oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada Dhuusa-mareeb

Ciidanka Ururka Ahlu-sunna ayaa dhaqdhaqaaqyo ka wada saacadihii ugu dambeeyay Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug iyo degaano kale oo kooxdu ay gacanta ku heyso, kuwaas oo ay dooneyso inay uga baxdo heshiis ay dhowaan la gashay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ciidamadan oo aad u hubeysan oo la sheegay inay kamid yihiin Ciidankii dhowaan la isku dhafay, ayaa lagu arkayaa xaafadaha Dhuusamareeb, waxaana dadka deegaanka ay walaac ka muujiyeen dhaq dhaqaaqan cusub inuu dhaliyo isku dhac hubeysan horseedo xaalad adag.

Wararka ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyada cusub ee Ahlusuna ka wado Dhuusamareeb uu la xiriiro, sidii ay dib ula wareegi lahaayeen amniga guud ee magaalada iyo garoonka diyaaradaha.

Amniga Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa waxaa dhowaan lagu wareejiyay Ciidamada Danab ee ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, sidoo kale dowladda Federaalka ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in mas’uuliyadda amniga garoonka ay la wareegtay dowladda.