VIDEO: Geedi “Hadii aan Maqaam loo helin Muqdisho, waxaa dhici karta Fowdo”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay maqaamka Muqdisho isagoo ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya inuu ka doodo oo uu ansixiyo maqaamka Muqdisho.

Cali Maxamed Geedi oo Wareysi uu siiyay taleefishin Somali Cable, ayaa xusay in maqaamka magaalada Muqdisho uu ka soo shaqeeyay sidii loo dhisi lahaa maqaamka Muqdisho xilligii uu Ra’iisul Wasaare ka ahaa dalka.

“Kuwii shalay diidanaa Maqaamka inay hadda yiraahdaan waa in la dhisaa maqaamka ma aha mid sax ah.”ayuu yiri Cali Maxamed Geedi oo ka tilmaamay raggaas Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.