Ahlu-sunna oo amar siisay Maamulada Degaanada ay Maamulaan (Akhriso)

Hoggaanka sare ee Kooxda Ahlusunna ayaa 9-kii  Bishaan Shir deg deg ah la qaatay kaliyah maamulada degmooyinkii ay horay  gacanta ugu heysay Ahlusunna ka hor inta aysan ku biirin maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Ahlusunna ay ogeysiisay maamulada degmooyinka in uu jiro Khilaaf ku aadan Ahlusunna iyo dowladda dhexe, maadaama aan la fulin qodobadii lagu heshiiyay qaarkood.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusunna ayaa ku amray maamulada degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel, Mareerguur iyo Matabaan in aysan qaadan karin Amar aan aheyn Midka hoggaanka ahlusunna.

Sidoo kale, Maamulada ayaa lagu amray in Garoomadda diyaaradaha ay ka ilaaliyaan  in Ciidamo laga soo dejiyo.

Ahlu-sunna ayaa dhowaan shaki galisay heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, iyagoona su’aal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhuusamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisida Galmudug.

Warqad loo diray Xafiisyadda Madaxweynaha , Ra’iisul Wasaaraha iyo Qaramada Midoobey ayaa muujisay tabashadda ay qabaan Ahlusunna waxaana ay sheegeen hadii laga jawaabi waayo Cabashooda ay qaadi doonaan tilaabo.