Puntland oo War kasoo saartay Nin Ajnabi ah oo lagu dilay Boosaaso (Akhriso)

Taliska Booliiska gobolka Bari ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay askari saaka magaalada Boosaaso ku dilay nin ajnabiya oo u dhashay waddanka Kenya kadib markii muran soo kala dhexgalay.

Asakarigan oo ilaalo u ahaa ninka uu dilay oo ka shaqeynayay shirkad Kalluumeysi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

“Ciidamadda Amniga ee Magaalada Boosaso ayaa Gacanta ku soo dhigay Ninkii ka danbeeyay dilka muwaadinkii u dhashay dalka Kenya ee Saaka lagu dilay Magaalada Boosaso” ayaa lagu yiri qoraa ka soo baxay taliska Booliiska gobolka Bari.

Sidoo kale, Qoraalka Booliiska ayaa looga warbixiyay qarax miino oo saaka ka dhacay aga’gaarka hotel Boosaaso oo lala eegtay gaari ay wateen askari ka tirsan ciidamada dowladda Puntland.

“Sidoo kale Waxaa Fashilmay Qarax loo maleegayay Ciidamada Amniga, Kaas oo lagula Beegsaday Aaga Hotel Boosaso, Iyadoo uu dhaawac fudud ka soo gaaray Askari ka Tirsan Ciidamadda”. ayaa la sii raaciyay qoraalka Booliiska.