Xuska 1-da August oo lagu qabtay Mareykanka (Daawo Sawirro)

Munaasabad lagu xusay 21 sano guuradii ka soo wareegtay markii la Aas aasay Dowladda Puntland, ayaa lagu qabtay xalay Dalka Maraykanka.

Munaasabadaan waxaa ka qaybgalay Xildhibaanad Ilhan Omar, Xildhibaan Mohamud Noor, Gudoomisada Jaaliyada Puntland ee Maraykanka Mulki Hussein, Fanaaniin tira badan oo reer Maraykan ah
Iyo kuwa laga casuumay wadamo kale oo ay ka mid tahay Fanaanada Nasteexo Indho.

Munaasabada ayaa intii ay socotay waxaa laga soo jeediyay sidii Puntland lagu aasaasay, Caqabadihii ay lasoo kulantay, Sida looga soo gudbay, Fursadaha jira hadda iyo sidii loo taageeeri lahaa Dawlada cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdilaahi Deni.

Xildhibaanada ka qaybgalay Kulanka Maxamed Nuur iyo Ilhaan Cumar waxay shacabka reer Puntland ugu baaqeen in ay gacmaha is qabsadaan cadawgoodana meel uga soo wada jeestaan.

Gabagabadii Xafladaan waxaa lagu soo bandhigay sugaan kala duwan oo ka hadlay Horumarka Puntland iyo sida ay Isku xiranyihiin Shacabka Reer Puntland.