VIDEO: Baarlamaanka cusub ee Jubbaland oo yeeshay Guddoomiye KMG ah

Waxaa Magaalada Kismaayo ee xaunta KMG ah ee Jubbaland ayaa Goo-dhaweyd lagu soo gaba-gabeeyay Munaasabad lagu dhaarinayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Xildhibaanada la dhaariyay ay ahaa liiskii 73-da ahaa ee xalay a shaaciyeen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Jubbaland, waxaana Xildhibaanada loo dhaariyay si koox koox ah.

Dhaarintan ayaa ka dhigan tallaabada koowaad ee u bilowday Baarlamaanka Jubbaland oo wixii hadda ka bilowda guda geli doona doorashada Guddoonka cusub iyo tan Madaxweynaha Jubbaland ee dhowaan la qaban doono.

Dhanka kale, Sheekh Cabd Yuusuf Cali oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland ayaa noqdey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland ilaa inta laga dooranayo gudoonka cusub ee Baarlamaanka.