VIDEO: Puntland oo beenisay in Dad Ajnabi ah Afduub loogu heystay Xeebahooda

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash, ayaa beeniyay warar ay baahisay qaar kamid ah Saxaafadda, oo ku aadanaa in Dad u dhashay Dalalka Thailand iyo Kenya afduub loogu haystay Xeebaha Puntland.

Wasiir Cawaash oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda Puntland, ayaa tilmaamay in aysan jirin Dad ajnabi ah oo afduub loogu heystay Xeebaha Puntland, balse ay jireen dad ajnabi ah oo u shaqeynayay Shirkaddo Kalluumeysi, kuwaas oo howlo u gaar ah ugu laabtay Dalalkoodii.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash, ayaa sheegay inay ahaayeen dadkaas dad sifo sharci ah ku joogay Dalka, sidoo kalena uga baxay.