Af-hayeenkii Al-Shabaab oo la sheegay in la dhaawacay

Warbaahinta ku hadashay afka Ciidamada xoogga dalka ee SNA Radio ayaa sheegtay in Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere lagu dhaawacay howlgal ka dhacay 11-kii bishan Agosto deegaanka Shaam ee u dhow degmada Afgooye.

Warkan ay shaacisay Warbaahinta ayaa lagu sheegay in howlgalkii ay qaadeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Danab ay ku dileen illaa 15 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dhaawaca gaaray Cali Dheere loo qaaday deegaano hoostaga degmada Kuntuwaarey ee ay maamulaan Al-Shabaab.

Ma jirto war ka madax bannaan sheegashada warbaahinta afka Ciidamada ku hadasha oo xaqiijinaya warkan, hase ahaatee waxaa dhowr jeer oo hore jiray warar sheegaya in la dilay ama la dhaawacay Cali Dheere, balse markii dambe uu beenoobay.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa ka hadlay Ciidul Adxa, waxaana warbaahinta Al-Shabaab laga sii daayay farriin maqal aheyd oo lagay soo duubay.