Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa is bedel ku sameeyay jadwalka doorashada, iyadoo la soo hormariyay doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo dhici doonta 19-ka bishan.
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa la qaban doonaa 17 bishan oo ku beegan Sabtida soo socota, halka doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 19 Agosto Isniinta soo socota.