Dowladda oo ka hadashay dagaal saacado socday oo dhexmaray Ciidanka DANAB iyo Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Lugta General Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay dagaal maanta ka dhacay degmada Aw-Dheegle ee gobolka Sh/hoose kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
General Odowaa ayaa sheegay weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab loogaga diley maleeshiyaad badan, kuwaasoo uusan sheegin tiradooda balse sheegay in meydadka ay yaalaan goobtii uu dagaalku ka dhacay.

Gen. Odawaa ayaa sidoo kale sheegay in dagaalamayaal Al Shabaab ah lagu qabtay dagaalkaas saaka, balse ma sheegin taliyuhu qasaaraha soo gaaray ciidamada dowlada.

Ugu yaraan saddex askari ayq la sheegay inay ugaga dhinteen dagaalka ciidamada dowlada iyo weliba weriye sawir qaade ah oo lagu magacaabi jirey Gacal Cabdulle kaasoo u shaqeynayay idaacada codka ciidamada qalabka sida.

Dhanka kale, ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay weerarkan oo ku bilowday isqarxin ay ku dileen illaa konton askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Soomaaliya.

Weerarkan Al-Shabaab ay saaka ku soo qaadeen degmada Aw-dheegle ayaa yimid kadib markii ay dowlada federalka sheegtay in weerar gaadmo ah oo lagu qaaday kolonyo gelbineysay afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ay ku dhaawaceen afhayeenka isla markaan ay ku dileen inku dhow labaatan ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.