Guddoomiye Dhoobo-daareed oo magacaabay 4 xubnood oo kamid ah Guddiga Doorashada Puntland (Akhriso)

Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland Cabdixakiin Dhoobo-daareed, ayaa maanta magacaabay afar xubnood oo kamid ah guddiga doorashooyinka Puntland.

Xubnaha afarta ah ee uu Magacaabay Guddoomiye Dhooba-daareed, ayaa ah xubnaha laga sugayay Guddoomiyahah, waxaana la filayaa in Madaxweyne Deni uu isna soo magacaabo saacadaha soo socda xoghayaha iyo shan qof oo kale, si ay u dhameystirmaan
Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland.

Dhowaan ayay aheyd markii ay so wadajir ah isku casileen gudigii hore ee doorashooyinka Puntland kaddib kulan saacado qaatay oo ay la yeesheen Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa olalihiisii doorasho kusoo galay in sanadka koowaad ee xil-hayntiisa haduu guulaysto u dhaqaajin doono Puntland nidaamka doorasho ee hal qof iyo hal cod.