Sirdoonka Itoobiya oo Kismaayo kusoo hungoobay

Kooxdii ka tirsanayd sirdoonka Milatariga ee Dowlada Itoobiya oo waji gabax kala laabtay Kismaayo.

Kooxdan oo gaaraysay 6-xubnood kana koobnayd madaxda sare ee sirdoonka Milatariga Itoobiya,ayaa waxaa kasoo galbiyay Adis-ababa Fahad Yaasiin si Axmed Madoobe culayska loogu badiyo.

Kulan dheer oo dhexmaray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo kooxdaas sirdoonka ah,ayaa kusoo idlaaday is afgarad la’aan.

Dhamaan codsiyadii ay wateen kooxdaas,ayuu Madaxweyne Axmed Madoobe ganafka ku dhuftay,waxayna dib ugu laabteen iyagoo faramaran Magaalada Muqdisho.

Fahad Yaasiin oo ku xigeen ka ah hay’ada Nabadsugida Soamliyed ee NISA,isla markaana ah awooda qarsoon ee ka talisa Villa Somaliya,ayaa Adis utagay ka dhaadhicinta Itoobiyaanka culays saarida Axmed Madoobe.

Talaabo kale oo Dowladnimada Jubaland guul u ah dhabarjabna ku ah kuwa Qaranimada hortaagan ee Villa Wardhiigley,ayaa lagu tilmaami karaa hungada sirdoonka Itoobiya.

Farmaajo,ayaa sheegta in uu yahay Wadani ka fog u adeegida Dowladaha shisheeye,balse tan ayaa xaqiijinaysa midabkiisa rasmiga ah ee qarsoon.