VIDEO: Xildhibaano kamid ah Labada Aqal ee BFS oo gaaray Kismaayo

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta gaaray laguna soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada oo uu ka mid yahay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa waxaa la sheegay inay halkaasi u tageen sida ay gooboog ka noqdaan doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland & tan Madaxweynaha.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa saddex qodob inay ku weyn tahay ku sheegay socdaalka ay ku tageen taas oo la xiriirta doorashada Jubbaland,waxaana ay kala yihiin.

  1. In hey’adaha Dastuuriga ah ee dawlad federaalku gaar ahaan hey’adda sharcidejintu oo aan ka tirsanahay ay goobjoog ka ahaadaan doorashada hey’adaha dastuuriga ah ee Jubaland.
  2. U kuurgalidda habsami u socodka hanaanka iyo Geedi-socodka doorashada Jubaland ka dhacaysa maalmaha nagu soo fool leh.
  3. In aan dhiiragalinno nabadda iyo xasiloonida Jubaland In la ilaaliyo.

Doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Jubbaland ayaa sanadkaan ka duwan doorashooyinkii hore,waxaana Madaxweynaha Jubbaland uu markaan dareemayaa loolan adag wallow wax walba isbeddeli karaan.