Axmed Madoobe oo la kulmay Xildhibaano katirsan Labada Aqal ee BFS (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah kuwaas oo maalmahan howlo shaqo u joogay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Xildhibaanadan oo sidoo kale lasoo kulmay Hay”adaha kala duwan ee Dowlada sida Xildhibaanada Baarlamaanka labaad Iyo gudiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka ayaa Madaxweynaha la wadaagay aragtidooda la xidhiidha sidii habsami u socodka doorashooyinka Jubbaland loo ilaalin lahaa kuwaas oo la doonayo inay ku dhacaan si xor iyo Xalaal ah oo aan faro galin lahayn.