Ciidanka DANAB oo howlgal ka wada Gobalka Sh/hoose

Cidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliya (DANAB) ayaa saakay ilaa xalay howlgallo culus ka wada degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeelaha Hoose oo dhawaan Ciidamadu la wareegeen iyo deegaano hoostaga.

Howlgalyaan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay barqadii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Awdheegle, isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal socday in ka badan Saddex Saacadood.

Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen xubnihii ka tirsanaa Shabaab ee weerarka kusoo qaaday halka Al-Shabaab dhankooda ay sheegteen inay dileen 50 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.

Howlgalka weli ka socda degmada Awdheegle ayaa Ciidamadu waxaa ay ka wadaan Xaafadaha degmadaas iyo sidoo kale tuulooyinka hoostaga,waxana la sheegay in howlgalkaas uu yahay mid ay uga hortagayaan weeraro kale.

Sidoo kale, Howlgalka ayaa inta uu socday lagu soo qabqabtay Dad looga shakisan yahay inay katirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay baaritaano ku socdaan, sida ay sheegeen Saraakiil kamid ah Ciidanka