QM, AU & IGAD oo War kasoo saaray Doorashada Jubbaland (Akhriso)

War-saxaafadeed si wadajir ah ay u soo saareen Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD oo maanta booqday Magaalada Kismaayo, ayaa ka digay sii socoshada khilaafaadka ka jira doorashada Jubbaland.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen saraakiishii ka socotay QM.AU iyo IGAD ayaa lagu sheegay inay la kulmeen Madaxweyne Axmed Madoobe,guddiga doorashada iyo xuduudaha,qeybaha kala duwan ee bulshada ayna ka dhagaysteen fikradahooda.

“Wakiilada ka socda AU, IGAD iyo UN waxa ay xoojinayaan baahida loo qabo hab doorasho oo la isku raacsan yahay taasoo waafaqsan dastuurka Jubbaland iyo kan Federalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa ay sidoo kale ku baaqeen xubanaha in la sii horumariyo habraaca doorashada ee guddiga doorashada iyo xuduudaha uu hogaaminayo ayna ka qeybqaataan dhammaan dhinacyada siyaasada ee Jubbaland.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada Jubbaland inay ka fogaadaan wixii ammaan daro keeni kara iyo weliba cabsi gelin ayna khilaafkooda ku xaliyaan wadahadal si ay u helaan kalsoonida bulshada.

Ugu dambeyntii qoraalka ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika,IGAD iyo Qaramada Midoobay ay sii wadi doonaan dadaalada ay ku doonayaan in lagu xaliyo arrimaha Jubbaland.