VIDEO: Madaxweyne Deni “Puntland waa loo soo shaqo tagaa, dhalinyaradeediina Shaqo la,aan bey sheegan”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku dhaliilay dhalinyarada Reer Puntland in aysan diyaar u aheyn inay shaqeystaan.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada Adduunka oo lagu qabtay Garoowe, ayaa sheegay Puntland in loo soo shaqo tago , taaso meesha ka saaraysa sida uu sheegay shaqo la’aan ka jirta Puntland.

“Umad aan waxbaba ka shaqaynayn oo haddana oranaysa shaqo la’aan baa nahaysa waa mushkilad, arrintaasi waxa ay u baahan tahay in si gaar ah loo baaro weliba wasaaraddaha ay khusayso.” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid C/llaahi Deni.