Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo maanta tagaya Kismaayo

Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Wafdiga uu hoggaaminayo James Swan ayaa ka qeyb-galaya Doorashad Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale, Waftigan ka socda Beesha Caalamku ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jubbaland ee waqtigiisa dhamaaday, Guddiga doorashooyinka, Musharaxiinta mucaaradka, Iyagoona dadaalo ku bixin doona sidii loo xalin lahaa xiisadda siyaasadeed, isla markaana loo abuuri lahaa hannaan doorasho oo ku dhaca jawi wanaagsan.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa walaac ka qaba xaalada Kismaayo iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee iska soo horjeeda, taasoo horseedi kara fowdo iyo qalalaaso.

Safarka Mr Swan ayaa ah kii labaad oo uu Kismaayo ku tagi doono, iyadoo safarkan uu ka duwan yahay safarkiisii koowaad ee kormeerka ahaa, waxaana uu haatan Hoggaaminayaa Ergada Beesha Caalamku ee kor joogteynaysa Doorashada Jubbaland, oo bilaabanaysa 48 saacadood kaddib