Ciidanka Jubbaland oo gacanta ku dhigay Qaraxyo waa weyn (Sawirro)

Ciidamada Ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay kusoo saareen miinooyin dhowr ah oo lagu Aasay wadooyinka qaar e Gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu soo saaray ilaa Shan miino,kuwaas oo Al-Shabaab ay ku Aaseen wadada u dhaxeysa deegaannada Bangeeni iyo Koban oo ah Aaga degmada Jamaame halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Miinooyinkaan oo ay soo bandhigtay Hay’adda Nabadsugida Jubbaland ayaanan  Saraakiishu sheegin in wax dad ah lagu soo qabtay howlgalkaas, hayeeshee waxaa ay sheegeen in uu weli socdaan howlgallo kale oo ka dhan ah Al-Shabaab,isla markaana lagu doonayo in deegaannada ay heystaan Al-Shabaab looga saaro.

“Ciidanka ammaanka Jubbaland gaar ahaan cutubka u tababaran ka hortaga walxaha Qarxa una taagan mar walba ka hortaga dhagarta argagixisadda Al-Shabaab ayaa ka soo saaray Miinoyinkan goobo ay Al-Shabaab geliyeen oo ah inta udhaxeysa tuuloyinka Bangeeni iyo Koban. Waa aaga degmadda Jammaame Gobolka Jubadda Hoose ayaa lagu yiri Warka Hay’adda NISA ee Jubbaland”.

Inta badan deegaannada iyo degmooyinka Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ah,kuwaas oo lala eegtay Gaadiidka Ciidamada Dowladda, kuwa Jubbaland iyo AMISOM, iyada oo mas’uuliyada qaraxyadaas ay sheegtaan Al-Shabaab.