Musharixiinta Is-diiwangeliyay ee Doorashada Jubbaland oo kahor yimid Dalabkii BC (Akhriso)

Qoraal kasoo baxay Musharixiinta is diiwaangeliyay oo ku midoobay Magaca Kudlada musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland, ayaa kahor yimid dalabkii Wakiilada Beesha Caalamka ee shalay tagay Kismaayo, kaas oo ku aadanaa in dib loo furo Is-diiwaangelinta Musharixiinta.

Musharaxiinta Is-diiwaangeliyay ee Doorashada Madaxweynaha Jubbaland, ayaa sheegay inay aad uga xun yihin in guddiga doorashooyinka ay ka gaabiyaan inay kala tashadaan geedi-socodka iyo hanaanka doorashooyinka xaqna ay u leeyihiin kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii musharaxnimo.

Sidoo kale, Musharixiinta ayaa xusay in Guddiga doorashooyinka ay ku dhaliilayaan in wafdiga ka socday beesha Caalamka ee tegay Kismaayo aysan la socod siin Guddigu, isla markaana ay muhiimad gaar ah siiyeen musharixiin dano gaar ah wata sida ay hadalka u dhigeen.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Axmed Maxamed Islaam iyo iyaga ay u wada siman yihiin talada Jubbaland,isla markaana aysan aqbaleyn in dib loo furo diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha ayna u arkayaan in lagu soo darayo dad ay sigaar ah u wataan.