VIDEO: Koox dooneysay inay dilaan Masuul katirsan DFS, oo iyagii la toogtay

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegeen in Maanta Magalada Muqdisho lagu toogtay Saddex Rag ah iyo Haweeneey doonayay inay agagaarka isgoyska Bakaaraha ee degmada Howl-Wadaag ku dilaan Agaasimaha Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdi Gare.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Ciidamada Ammaanka ay degmada Howl-Wadaag ku toogteen saddex Rag ah iyo Haweeney hubka u siday, kadib is rasaaseyn dhexmartay, iyaga iyo Ciidamada,kuwaas doonayay inay dilaan Agaasimaha.

“Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday ayay tiri Taliye Zakiya.”