Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland oo goor-dhow bilaabanaysa (Sawirro)

Doorashada Guddoonka cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa Goor-dhow ka bilaabanaysa Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Xildhibaanada Jubbaland ayaa hadda kusoo qulqulaya hoolka loogu tala galay in lagu qabto doorashadda Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland iyo labaddiisa ku xigeen.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in maanta ay dhici doonto doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka socda beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Doorashadda guddoonka baarlamaanka Jubbaland ee maanta dhaceysa.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ku sugan goobta loogu tala galay in lagu qabto doorashadda guddoonka baarlamaanka Jubbaland Ciidanka Booliska iyo kuwa AMISOM.